Waxaa maalintii 3aad xarunta Gudiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha soomaaliya ka socota diiwaangelinta musharrixiinta u tartameysa Xilka madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyada Soomaaliya .
Musharrax Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo ka mid ah Xubnaha U tartamaya Xilka madaxweynaha 10aad ee jamhuuriyada soomaaliya ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimo ee xilka madaxweynaha Soomaaliya
Musharax Saciid cabdulaahi Deni ayaa iska diiwaan geliayay xaruunta gudiga qaban qaabada doorashada nadaxweynaha Soomaaliya eek u taala Aqalka sare
Gudiga isku dhafka ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinka dambe ee maanta soo gabagabeeynaya diiwaangelinta musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha soomaaliya iyadoo maalinta Berre ah lagu wado in teendhada Afasiyooni ay ka bilaabato hadaljeedinta Musharixiinta si 15ka bishaan may oo ku beegan maalinta ah loo balan san yahay in l qabto doorashada madaxweynaha soomaaliya.