Wasiirkii hore Wasaraada Arimaha dibada Soomaaliya oo isaga haray tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

WARARKA

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa war qoraal ah soo saaray qoraal kooban ayaa sheegay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdirisaaq Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa face book ku sheegay inuu go’aansaday inuu isaga haro doorashada, isaga oo tilmaamay in uusan haysan wixii u suurto galin lahaa inuu guuleysto.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in ololihiisa uu la xiriiray inuu toos ula hadlo shacabka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in qaabka dadban ay liddi ku tahay hamigiisa siyaasadeed.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagaha faraha badan ee ku xeeran doorashada ay ka hor imaanayaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.