Xiisad ka Taagneeyd Magaalada Boosaaso oo xal laga gaaray

0
48

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland oo ku sugan magaaladaasi  xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah masโ€™uuliyinta iyo saraakiisha laamaha amniga Gobolka Bari.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Axmed Yaasiin Saalax iyo masโ€™uuliyiin ka tirsan wasaaraddiisa.

Xildhibaannada ayaa masโ€™uuliyiinta u sheegay in ay la kulmeen madaxweyne ku xigeenka islamarkaana aysan jirin wararka laga faafinayo oo ku saabsan in uu xiisad ka wado gobolka Bari gaar ahaanna Boosaaso.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in madaxweyne ku xigeenku maalmaha soo socda dib ugu laabanayo caasimadda Garoowe kadib markii uu dhammaysto hawla shaqo oo uu Boosaaso u yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here