Dibadbax lagu Taageerayo madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay gobolka Sanaag

WARARKA

Wararka ka imaanaya degmada Dhahar ee gobolka sanaag ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ka bilowday Banaan bax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo.

Haween iyo dhalinyaro lulayey calanka soomaaliya ayaa iskugu soo baxay barxad ku taalla magaaladaasi,iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay ku taageerayeen Farmaajo.

Dhinaca kale’ Murashax madaxweyne Farmaajo ayaa berri jeedin doona khudbadiisa waxqabadka iyadoo taageero xoog leh uu helayo xildhibaanada iyo shacabka uhayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.