Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

WARARKA

Afhayeenka ciidamada Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa is-miidaamin uu qofka fuliyey bartilmaameedsaday gawaari ku sugneyd Bar koontarool oo Gaadiidka lagu baaro islamarkaana laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa General Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu Baabuur uu watay taagnaa goobta, balse waxa uu sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, uuna haatan caafimaad qabo.

Sidoo kale waxaa uu Tilmaamay Afhayeenku in ruuxa is qarxiyey uu rabay inuu qabsado daaqadda gaariga oo ahaa nooca aan xabadda karin, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo la geeyey isbitaallada Madiina iyo Digfer ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaaciyeen  inay la beegsadeen  kolonyo ay wateen madax ka tirsan dowladda federaalka oo ku sii jeeday dhanka Xerada Afisyoone, sida ay ku sheegeen  qoraal ay ku baahisay Internet ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.