Wararka ka imanaya deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in madaafiic lagu weeraray Xalay saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaas iyo xaafado ka tirsan Biyo Cadde ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaafiicda Hoobiyaha lagu soo waramayaa duqeeyay in Degaanka Biyo Cadde Xalay xilli Saq dhexe oo ay dadku jiifeenHurdayeen , Waxaana ay sabaabeen dhimashada 2 Ruux oo shacab ahaa oo kala ah haweeney umul ahayd iyo ilmo yar oo ay dhashay,sidoo kale waxaa ay wararka sheegayaan in shan ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen madaafiicdan.