Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna murashax u masaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadihii u danbeeyay laga dareemayay magaalada Muqdisho inuu xoojiyay ololahiisa dib u doorasho.
Skheh Shariif ayaa xalay hoygiisa kulan ku booqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo aad u kala fogaayeen maadaama Lafta-gareen uu u ololeynayay madaxweyne Farmaajo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Lafta-gareen ay ka wada hadleen dhameystirka doorashooyinka madaxweynaha, isagoona ugu mahad celiyay kaalintiisii doorashooyinka dalka.
Sheekh shariif sheikh Axmed ayaa kordhiyay Ololahiisa doorasho saacadihii la soo kor u qaaday iyadoo xalay uu Magaalada Muqdisho uu kula kulmay Madaxweynahayaasha maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele oo uu kala haladlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka