Ra’iisal Wasaare Rooble oo xalay la kulmay Xildhibaanada laga soo doortay ceelwaaq kana dalbay in laba musharrax codkooda ay siiyaan

WARARKA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay 16-ka xildhibaan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda ay matalaan si hufan ugu adeegaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa gobolada.com u xaqiijiyay in Ra’iisal Wasaare  Rooble uu dhisayo Xasan Sheekh iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed islamarkaana uu kala hadlay sidii Labadaas midkood codka loo siin lahaa.
Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq oo aan u suurtogelin inay codeeyaan doorashadii guddoonka golaha shacabka ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha oo 15ka bishan ka dhici doonto magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.