Ololihii ugu dambeeyay doorshada Madaxweynaha oo ka socota Muqdisho

0
15

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, iyada oo musharaxiinta, xildhibaannada iyo madaxda maamul goboleedyada ay u socdaan kulamo la xiriira codbixinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Berri oo ku beegan 15-ka May, ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan tartankeeda iska diiwangeliyay 39 musharax.

Musharaxa Dr. Cabbdinasir Cabdille Maxamed ayaa xalay farriin uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay inuu ka haray doorashada madaxweynaha, isla markaana uu taageri doono musharaxa kale ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waana musharaxii labaad oo ka hara tartanka loogu jiro Villa Somalia.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa bayaan ay Talaadadii soo saareen ku faah-faahiyeen amniga teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaya waxayna sheegeen in amniga teendhada ay si buuxda maalinkaas ula wareegi doonaan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS, isla markaana guud ahaan xerada Xalane aan loo oggolyn ‘in wax hub ah lala soo galo maalinta doorashada.’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here