Waxaa laga gudbay wareega 1aad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo loo gudbay wareegga labaad.
34 musharax ayaa doorashada Teendhada Afisiyooni ka qayb galay, waxaana ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre.
Natiijada ay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in wareegga koowaad ay ugu cod badan yihiin Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.
Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu helay 52 cod, halka Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isaga ku haray wareega koowaad ayaa helay 39 cod, balse uma gudbin wareegga labaad. Waxaa jira codad badan oo gaaraya illaa 13 oo hallaabay.
Musharaxa Madaxweyne ee hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.
Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.