Doorashada shalay ilaa xalay ka socotay Xaruunta Teendhada Afasiyooni ayaa ugu dambeeyntiina Waxaa ku guuleystya madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.
Xasan Sheekh wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.
Xasan Sheekh ayaa wareegii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharax ku kala hareen wareegii ugu dambeeyey ee 3-aad.
Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay 2dii Duhurnimo ayaa lagu kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxaana soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo horay ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kadib, wuxuu xalay noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya.
Kooramka xildhibaanadii codeeyey ayaa ku furmay 329 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee BFS, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Doorashadaan waxaa ka qeyb galay 36 musharax, waxaana wareegii 1-aad ka soo gudbay afar musharax oo kala ahaa Xasan Sheekh, Maxamed Farmaajo, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre, waxaana wareegii 3-aad u gudbay Xasan Sheekh iyo Maxamed Farmaajo, ugu dambeyntiina waxaa caawa xilka Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamed.