Alshabaab oo weerar Hoobiyaal ah ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidanka Puntland

0
138

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ee Puntland ayaa sheeegaya n Xubno ka Tirsan Al-shabaab ay weerar hoobiyaal ah ku qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ee degaanka Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari.
inta la ogyahay Hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sida wararku sheegayaan ku dhaawacmay hoobiyaasha ay soo tuureen Al-shabaab.
Ciidamada difaaca Maamulka Puntland ayaa weerarkaas kaga jawaabay duqayn culus oo lala beegsaday Xubnihii weerarka soo qaaday ee Alshabaab inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac soo kjala gaaeray.
degaanka Galgala waxa ku sugan Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland gaar ahaanna ciidanka loo yaqaan Dhiirranta ee Daraawiishta Puntland kuwaas oo halkaas u jooga la sdagaalanka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here