Xaliima Yunusa ayaa aabaheed la tiigsatay maxkamad Shareecada Islaamka ah oo ku taalla gobolka Kaduna ee dalka Nigeria, kaddib markii uu u diiday inay guursato ninka ay jeceshahay oo lagu magacaabo Bashiir Yuusuf.
Wargeyska Daily Trust ee dallkaas ayaa tebiyay in Xaliima ay maxkamadda u sheegtay inay aad u jeceshahay Bashiir balse ay waaliddiinteeda u diideen inay guursato.
Aabaha gabadha oo lagu magacaabo Ibraahim, ayaa isna maxkamadda u sheegay inuu ka war hayay jaceylka ka dhaxeeya gabadhiisa iyo Bashiir, balse uusan wiilku buuxin dhammaanba shuruudaha guurka.
Aabaha ayaa sheegay in wiilka uu u sheegay inuu keeno waaliddiintiisa, balse uusan ku soo war celin muddo sanad ah.
Bashiir ayaa kaddib la baxsaday gabadha iyagoo muddo saddex maalmood ah la raadinayay, markaas oo ay aadeen guriga gabadha eeddadeed.
Wuxuu sheegay in labadoodaba markii dambe la geeyay booliiska, inkastoo maalmo kaddib la sii daayay. Waxay haddana u baxsadeen magaalada Abuja.
Aabbaha gabadha ayaa sheegay inuu mar dambe la kulmay aabbaha Bashiir, uuna aabbaha Bashiir uga digay inuusan oggolaan guurka lammaanahan.
Xaakimka, ayaa markii uu dhegeystay labada dhinac, wuxuu ku amray aabbaha wiilka, Yuusuf, inuu oggolaado in wiilkiisa uu guursado Xaliima haddii uu diidana ay maxkamaddu isu guurineyso lammaanahan.