Madaxweyne Xasan sheekh oo Xarunta Madaxtooyada kula kumay madaxweyne Farmaajo

0
127

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay maanta gaaray Villa Soomaaliya, tan markii la doortay Axadii lasoo dhaafay ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
Kulankan oo ahaa oo dhacay barqanimadii maanta ayaa ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan munaasabadda xil wareejinta oo lagu wado in la qabto todobaadka soo socda, si uu xafiiska ula wareego madaxweynaha.
Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka tirsan Villa Soomaaliya iyo kuwa kale oo la socday Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Farmaajo aqbalay natiijadiii kasoo baxday doorashadii looga adkaaday isaga oo u hambalyey Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Soomaaliya xasan sheekh maxamuud.
Sido kale waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha cusub uu kulan wadajir ah la qaato madaxda dawlad goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho , si uu ugula Xaajoodoo xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo sidii ay dowladdiisa cusub ula shaqeyn lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here