Wararkii ugu dambeeyay ‘ Ciidanka ATmis oo la wareegay Degaanka Ceelbaraf

WARARKA

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS oo kaashanaya ciidamada Dawlada federaalka ay dib ula wareegeen fariisinkii Ciidanka Baruundi ay kga sugnaayeen Degaanka Ceel baraf .
Ciidamadadaan iskaashanaya ayaa gudaha u galay saldhigga Ciidanka Baruundi ee Ceelbaraf oo ay laba todobaad ka hor weerar ku qabsatay Al-Shabaab.
Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ayaa lagu soo warramayaa inay ku dageen saldhigga, kadibna ay ciidamadu dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaankaasi.
wararka ayaa sidoo kale sheegaya ciidamada ATMIS ay madaafiic ku gaareen qaybo ka mid ah Ceel Baraf, balse lama oga khasaaraha ka dhashay duqeeyntaasi.
Dadka degan Degaanka Ceelbaraf ayaa sheegay dagaal uusan ka dhicin halkaasi, ayna ciidamada Burundi iyo kuwa dowladda si nabadoon kula wareegeen Ceel Baraf.
Xaaladda ayaa deggan, waxaana deegaanka inta badan isaga barakacay qoysaskii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka labada dhinac

Leave a Reply

Your email address will not be published.