Gudoomiyaha Gobolka banaadir oo xariga ka jaray Xarunta Gudiga Gaadiidka Bajaajka

0
41

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Gudiga Gaadiidka ee Bajaajka Gobolka Banaadir.Xarigjarka kadib ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish waxa uu kulan gaar ah la qaatay maamulka Gudiga Gaadiidka Bajaajka isagoo ka dhageestay warbixina kala duwan oo quseeya xaaladaha ay Bajaajka ku shaqeeyaan iyo sida ugu haboon ee loo hagaajin karo isticmaalka Wadooyinka maadaama tira ahaan ay yihiin kuwa aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here