Maaamulka Jubaland ayaa sheegay in madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu gacanta Jubaland dib ugu soo celiyo maamulka gobolka Gedo.
Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu xal u helo arrinta gobolka Gedo.
Dowladdii madaxwayne Farmaajo iyo maamulka Jubbaland ayaa saddexdii sano ee u dambeysay waxay isku hayeen maamulka gobolka Gedo.
“Hadda waxaan ka rajeynaynaa dowladda cusub inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah sida sharciga ah ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubaland.
Waxaa uu wasiirka inta ku daray in sidoo kale ay doonayan in dib u heshiisiin laga sameeyo gobolka Gedo maadama uu khilaaf ka taagnaa sanooyiinkii u dambeeyay.