Deegaanda Somaliland ayaa waxaa maanta laga xusayaa 31-guuradii ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taagga.
Iyadoo sanad kasta si weyn Somaliland looga xuso 18-ka May oayaa waxaa maalmihii u dambeeyay socday qabanqabada xuskaasi.
Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.
Kulamo ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go’aanka gooni isu taagga ah.