Ciidsamada Booliska oo Hawlgalo ka sameeyay Degmada Warta -Nabada

WARARKA

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Warta-nabadda Cabdullaahi Xasan Cali oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ka war bixiyay hawlgalka ciidamada Booliska xalay ay ka sameeyeen Degmadaasi oo Amngiga lagu xaqiijinayay .

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalka ujeedkiisa uu ahaa Sidii looga hortagi gacanta loogu soo dhigilahaa kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo kuwa istiicmaala iyo sidii looga hortagi lahaa kuwa caadeeysta dhaca moobeeleyda iyo kuwa kooxaha Amniga lidigiga ku ah waa sida uu sheegayee taliyaha saldhiga booliska degmada warta nabada Cabdulaahi xasan Cali.

Hay’adaha amniga dawlada Federaalka ayaa mudooyinkii dambe ka waday magaalada muqdisho Hawlgalo Amaanka lagu xaqijinayo oo ay ka sameynayeen Dhmaan xaafadaha Magaalada caasimada ah ee muqdisho Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.