Golaha Wasiirada XFS oo maanta Ansixiyay dhowr Xeer

0
94

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Mudane Hassan Sheikh Mohamud, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxda ugu duceeyaan in uu Eebbe ku guuleeyo howsha qaran ee loo igmaday.Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay madaxweynihii hore Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo oo uu sheegay in ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay.

Dhinaca kale Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here