Imaaraadka carabta oo la wareegay lacag malaayiin doolar ah oo looga xanibay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

0
105

Waxaa maanta lagu wareejiyey Safiirka UAE Ee Soomaaliya Lacagtii Afar sano ka hor Imaaraadka looga xanibay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya taas oo ku jirtay Qasnada Dawlada Soomaaliya ilaa xilligaasi.
Wararka ayaa sheegaya ayaaa sheegaya in Danjiraha Imaaraat-ka Carabta ee Ku sugan Maxamed Axmed Alcusmaan Xamaadi waxaana la socday Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur la tagay safiirka Xarunta Bankiga Dhexe Soomaaliya.
Kadib Lacagtii Qasnada dawlada ku jirtay ayaa lasoo bixiyey taas oo gaareysa $9.6malyan oo ahayd lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade sanadkii 2018-kii, taas oo ay Hay’addaha DFS isku khilaafeen bilo kahor in la bixiyo.
Lacagtaan ayaa hore waxaa u fasaxay Ra’iisal wasaare Rooble balse waxaa hortaagnaa madaxweyne Maxamed Cabdillaahi farmaajo oo Imaaraadka carabta ku Eedeeyay in fara gelin ay ku heysay Soomaaliya ka dib markii diyaarad waday lacagta ay gacanta ku dhigeen Hay’adaha Amniga ee dawladii Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here