Madaxweyne Xasan sheekh oo ka hadlay Boqolka maalmood ee Ugu horreeyay waxyaabaha uu qaban doono

0
106

Madaxweynaha la doortay ee   Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo bandhigay shaqooyinka uu qabandoono boqolka maalmood ee ugu horreeya marka uu la wareego xafiiska madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inuu isbeddel weyn ku sameyndoono hay’addaha amniga ee dalka, isoo sheegay inay ku shaqeeyaan sharuuc gabowday oo u baahan in isbeddel lagu sameeyo.

Waxaa madaxweynuhu sheegay in hay’addaha amniga loo qaabayn doona hab waafawsan nidaamka federalka ee dalka, isagoo sheegay inay  haatan u shaqeeyaan sidii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kale oo uu sheegay inuu dhameystirayo barnaamijka dayn cafinta oo uu tilmaamay  inuu haatan marayo meel gabagabo ah oo u baahan dhameystir in lagu sameeyo.

Madaxweynaha cusub 15kii bishaan may lagu doortay  doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa bulshada Soomaaliyeed waxaa ay ka dhowr sugeysa sidii uu wax badan uga badali lahaa arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here