Wasiirka wasaarada maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in Nidaamka Deynta cafinta Soomaaliya ay meereyso Meela ad u wanaagsan oo sarreysa
Wasiir Beeyle ayaa sheegay in shir looga hadlayay nidaamka deynta cafinta Soomaaliya isalamarkaana uu kala qayb Madaxweyne xasan Sheekh maxamuud looga hadlay Arimaha deyn cafinta
Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa farce Book oo uu uga hadlayay heer ay maraeyso Nidaamka deynta cafita Soomaaliya ayaa u qornaa sidaan:
waxaa inoo soo idlaaday Shir kale oo muhiim u ah geeddi-socodka deyn-cafinta Soomaaliya, maanta waxa aan si gaar ah ula shirnay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyadoo markale uu nagala soo qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud.
Rajada Soomaaliya ee ah gaarista deyn-cafis dhameystiran ayaa hada ah mid aaad u sareysa ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan ducaale Beyle