Ciidanka Booliska Galmudug oo Hawlgalo ka sameeyay magaalada Gaalkacyo

0
45

Wararka kia imaanaya GobolkaMudug ayaa sheegaya Ciidanka Booliska gobolka Mudug ee Galmudug  Hawlgal howlgal ay ka sameeyeen gobolkaasi, ay ku soo qabteen  kooxo hubeysan Jimcihii Baabuur  ku rasaaseeyey magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen qaar ka mid ah raggii rasaaseeyey gaariga, islamarkaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo baxsaday.

Cali Muuse ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan maleeshiyaadkaas oo dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amaaanka, islamarkaana ay lasoo wadaaagaan xogaha ku saabsan amniga.

Weerarka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu rasaaseeyey gaariga ayaa sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here