Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Caqabadaha ka jira gobolka Gedo
Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato kasoo gaartay khilaafaad ay abuurtay gobolka Gedo dowladii hore ee Federaalka Soomaaliyaee uu Hogaaminayay Madaxweynihii hore ee soomaaliya maxamed cabdilaahi Farmaajo,
Madxweyne Axmed Madoobe wqaxaa uu shaaca ka qaaday in la xalin doono wax walba oo caqabado ah islamarkaana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada degaanadaasi.
Madaxweynaha Jubland ayaa sheegay in la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedba, isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo, hayeeshee aysan jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadkii matalilahaa
Ugu dambeeyntiina marka laga reebo degmada Ceel Waaq Waxaa degmooyinka kale ee gobolkaasi ka tirsan gacanta ku haayaha mas’uuliyiin taageersan Madaxweyne Maxamed cabdulaahi Farnaako oo la adkaaday doorashadii 15ka bishan may ka dhacday Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Coka Axmed Madoobe: