In ka badan 7 kun oo Arday oo maanta u farsiisay Imtixaanka shahaadiga ah ee degaanada Koofur Galbeed

0
108

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaamaanta si rasmi ah uga furmay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada.

7,589 Ardey ayaa guud ahaan koonfur galbeed sanadkan u fariisaneysa imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad, waxaana furitaanka imtxaanka ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka Koonfur Galbeed , wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada, Agaasimha Guud ee Wasaaradda, hawl wadeeno iyo agaasime waaxeedyo ka socda wasaaradda waxbarashada.

Mas’uuliyiintii madasha furitaanka imtixaanka ka hadlay ayaa sheegay in dadaal xooggan ku bixinayaan sidii ardayda kaalmaha hore gala ku heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan oo dugsiga sare ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here