Madaxweynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta soo socota la wareego xaafiiska Madaxweynaha ee ku yaalla Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo isla maalintaas ay ka dhici doonto xaflad xil-wareejin ah, oo hadda qaban-qaabadeedu si weyn u socoto.
Ilo wareedyo ku sugan Villa Soomaaliya oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay , Munasabada xil-wareejinta ayaa hore loo qorsheeyay in ay dhacdo maalinta Arbacada ah, oo ku beegan 30-ka May, Balse , Madaxweynaha cusubee la doortay ayaa amray in xafladda la soo hor mariyo, waxaana la isku raacay inuu Isniinta la wareego Villa Somalia.
16 Febraayo 2017, Madaxweyne Farmaajo, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , kala wareegay xilka Madaxwenaha, taasoo la mid ah, in ay mar kale, xilka la kala wareegayaan, 5 sano, saddex bilood iyo 7 maalmood kadib, waana farriin muujineysa in Xildhibaannada Baarlamaanka 10-aad dareemeen in waddanku wali taagan yahay hakii uu joogay shan sano ka hor.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in usan dalka ka Tagi doonin islamarkaana fariisin uu ku ka dhigan doono Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu degi doono, Nawaaxyiga garoonka diyaaradaha Aadan cadde gaar’aahaan meel u dhow Hoyga uu degan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor
Goobta uu Madaxweyne Farmaajo uu degi doono ayaa ah meel amniga aad lee adkeeyay islamarkaana uu dhow Hotel Jazeera .