Puntland oo Amarftay in la soo xiro Mas’uuliyiin xilal haya

0
140

Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa Maanta  mar kale u Fadhiisatay dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta gaar ahaan Geedaha loo yaqaan geed-quwaaxa.

Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhinaca kale waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay maamulkaasi kuwaas oo ku eedaysan dhoofinta Dhirta laga jaro Deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxaa jiro Mas’uuliyiinta ay kamid yihiin kuwa hadda xilal ka haya dowladda Goboleedka puntland oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo loo qaadin dhankooda.

Dhegaysiga dacwadda ayaa socotay kadib markii maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here