Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay Weerar Alshabaab ay ka geysteen Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe

0
66

 Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay Xubno ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo loo qorsheeyey si la yaab-leh.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka waqooyi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Xubnaha weerarka qaaday ayaa la sheegay inay iska soo dhigeen shacab, islamarkaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 6 askari, halka ay ku dhaacwacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here