Madaxa Siyaasada Ururka Xamaas oo Taageero Hambalyo ah u soo diray madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

0
80

Madaxa Xafiiska Siyaasadda Ururka Xamaas, Ismaaciil Haniye, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.Madaxa Xamaas ayaa yiri “Farxad ayey u tahay dhaq-dhaqaaqa Xamaas iyo guud ahaan shacabka reer Falastiin in aan idiin soo gudbino hambalyo diirran iyo duco ku aaddan munaasabaddan farxadda leh ee lagu doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay idinku aamineen”.
Ismaaciil Haniya oo muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in Madaxweynaha uu ka bixi karo dhibaatooyinka iyo khataraha soo wajaha Soomaaliya, ayuu Haniyeh hadalkiisa ku daray “Waxaan kuu rajeyneynaa inaad ku sii guuleysato u adeegidda dadkaaga iyo dalkaaga, iyo arrimaha waaweyn ee Ummaddeed oo ay ugu horreyso arrinta Falastiin.”
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashada Madaxweynaha oo dalka Soomaaliya ka dhacday 15-kii May ku guuleystay cod aqlabiyad ah.
Dalal badan oo caalamka ah ayaa u soo hambaleeyey doorashada Madaxweynaha, iyaga u rajeeyey in masuuliyaddaas uu qaaday ay u fududaato.
Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya soo dhammaystay hal muddo xileed, wuxuuna hadda ku laabanayaa xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo uu ka soo arriminayay intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2017-kii. Wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay oo mar intuu muddo xileed dhameystay mar kale dib loo doortay
Ka hor inta uusan Madaxweyne ka noqonin Soomaaliya waxa uu ka mid ahaa xubnaha bulshada rayidka, gudaha Soomaaliya ayuuna ka shaqayn jiray intii uu dalku ku jiray burburkii ka dhashay dagaalladii sokeeye.
Soomaaliya iyo Falastiin ma laha xidhiidh toos ah oo muuqda, laakiin dhawr ayay dawladda Soomaaliya taageero u muujisay Falstiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here