Mas’uul ka Tirsan Maamulka Puntland oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

0
91

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Halkaasi lagu dilay Sakariye Siciid Salaad oo ahaa wiil dhalinyaro islamrakaana ahaa sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.
Marxuumka ayaa la dilay, xilli uu ku sii jeeday mid ka ah xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla daafaha magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Marxuum Sakariye ayaa ahaa agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo barakacayaasha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee Puntland, wuxuuna caan ku ahaa is-dhexgalka iyo horumarinta ciyaaraha gobolka Mudug.
Hay’adaha amniga gobolka Mudug ee Puntland ma aysan ka hadlin dilka sarkaalka ka tirsan dowladda hoose ee maanta lagu dilay Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here