Buuq ka Dhashay kulan Golaha wakiilada Soomaaliland maanta ay yeesheen

WARARKA

Buuq iyo Sawaxan ayaa ka dhashay Kulan maanta xildhibaanada Golaha wakiilada Maamulka Somaliland ay ku yeesheen Xaruntooda magaalada Hargaysa.

Ajandaha Kulanka oo ahaa Ansixinta Guddiga Diiwaangelinta Ururuada Siyaasadda ayaa kahor cod uqaadista waxaa is fahamwaa soo kala dhexgalay gudoonka iyo Xildhibaanada taas oo keentay in xildhibaanada ay buuq kiciyaan.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah Xildhibaanada diidan ansixinta Guddigaan ayaa ku dooday in marka hore ay qasab tahay xubnaha aan la ansixin in laga saaro xarunta Baarlamaanka.

Intaas kadib kulanka ayaa isku badalay Buuq iyo gacan kahadal iyadoona la arkayay xildhibaanada oo markaas isu gacan qaadaya dhibaatana isu geysanaya.

Golaha wakiiada Maamulka Somaliland ayaa diiday inay ansixiyaan 3 xubnood oo ka mid ah 7 xubnood ee guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda.

Saddexdan xubnood ayaa kala ah

1.Guddoomiyaha Guddida diiwaangalinta ururada siyaasadda

2. Gudoomiye ku xigeenkii Guddidaas

3. Xubin ka tirsan Guddida diiwaangalinta ururrada siyaasadda.

Dhammaan xubnahan ayaan gaarin codadkii kalsoonida ee ay uga baahnaayeen Golaha wakiilada Somaliland waxaana u codeeyey midkiiba  41 Xildhibaan.

Mohamuud Obsiye oo kamid ah Xubnaha Xildhibaanada ay diideen in ay ansixiyaan ayaa isna sheegay

4 Xubnood ee kale ayaa iyagu ka gudbay ansixintii golaha wakiillada, waxaana ay gaareen codadkii kalsoonida ee loo baahnaa.

Xubnahan la diiday in la ansixiyo  waxay dib ugu  noqon doonnaan madaxweynaha Somaliland oo isagu hore u soo  magacaabey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.