Dawlada Sacuudiga oo mamnuucday in dalkeeda ay galaan Muwaadiniinta Soomaalida ah

0
107

Dowladda sucuudiga ayaa guud ahaan Dalkeeda ka mamnuucday dalal badan oo  caalamka,Iyada oo laga jawaabayo kiisaska sii kordhaya ee COVID-19, ayaa Sacuudi Carabiya waxay dalkeeda ka mamnuucday inay usoo safraan muwaadiniinta 16 waddan oo ku yaal Aasiya, Afrika iyo Koonfurta Ameerika.

Sida uu dabacay wargeyska The Gulf News, liiskan waxaa kujira kala ah India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Somalia, Ethiopia, the Democratic Republic of the Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Wasaaradda Caafimaadka ee boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in dalkaasi laga heley 414 kiis oo ah cudurka COVID-19 ah, iyadoo tirooyinka toddobaadlaha ah ay noqdeen kuwa aad u kordheya shan laab marka loo eego kiisaska Bilaha Maarso iyo Abriil.

Ku dhawaad 81 xaaladood ayaa halis ah, iyadoo la soo sheegayo dhimasho la xiriirta  xanuunkaani dilaaga ah ee inkastoo boqortooyada ay la tacaaleyso hadana wali xaalada laxiriira Cudurka karoona ayaa ah ka siidareysa.

Muwaadiniinta Sucuudiga waxaa loo ogolyahay in ay safraan oo keliya haddii ay qaateen dhammaan saddexda tallaal ee lagula dagalameyo xanuunka safmarka ah ee Karoona feyrus kaas oo dunida halis badan ku haya ku dhawaad laba sanno.

Tallaabadan ayaa u muuqata go’aan jahawareer leh, xilli muslimiin badan oo ku nool dunida ay isku diyaarinayaan gudashada waajibaadka Xajka Sanadlaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here