Maraykanka oo sheegay in uu bilaabayo duqaymaha diyaaradahiisa ay ka Fuliyaan soomaaliya

0
151

Dowladda mareykan ayaa waxaa ay markale daah ka qaatey in dib u cusbooneysiindonto weeraradii ka dhanka haa Dagaalamayasha Al shaaab, jkaas oo lagu ugaarsaneyo huganka sare ee Dagaalamayasha Al shabaab iyo dagaalamayaashooda.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Stephen Townsend ayaana balan qaday in ciidamada mareykanka ee dib ugu soolaabtey Somaaliya ay kaabi doonaan Xoogaga qaran sida ay shaaciyeen hugaanka sare ee Afrikoom.

dhanka kale taliye istiifan ayaa oo haatan muqdisha ku sugan ayaa waxaa uu kulan laqaatey madaxweynaha Soomaalia Xasan sheekh Maxmuud sida lagu sheegey war ka sobaxay ciidamada  mareykanka ee marka magacooda la soo gaabiyo looyaqaano Afrikoom ee ka hawgala Qaarada afrika.

sidaasi si lamida ah madaxweyne Xasan ayaa gudoomey dhambaalhambalya taliye siifan uu uu u siday  guud ahaan madaxda Soomali ee dhawantan la doortey iyo shacabiga Somaliyed kadib Doorashadii la soo afmeerey 15 Bishaan May 2022 waxana kulankaasi uu ahaa mid looga hadley qodobo kala duwan sida ay ku warameyaan ilo hoose.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre Intii uu socday wadahadalkooda, waxa ay isku afgarteen in la xoojiyo wadashaqeynta dhow ee ka dhaxeysa AFRICOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo xaqiijiyo in dalku uu ku naaloodo nabad iyo amni la xoojiyay sanadaha soo socda.

Gen. Townsend ayaa u ballan qaaday madaxweyne Xasan Sheikh in AFRICOM ay si dhow ula shaqeyn doonto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, wallow ciidamada Mareykanka ay soomaaliga kamaqanaayeen wax kabadan sanad haddana  lama tabin tegitaankooda waxaana booskoodii buuxiyey Ciidamadda Xoogaga qaranka ee Soomaaliya

waxaa marba marka kadambeysa koordheyey sanadihii udambeeyey Ciidamadeena Qaranka kuwaas oo dabooley baahi badan oo looqabey ciidamada Shisheeye ee Jooga Wadankeena, inkastoo wali ciidamada Soomaaliya ay ladala dhacayaan cuna qabateynta saaran haddana wali waxaa muuqaneya dadaalka dheeraad ah oo ay ugaleen halgelka ay ugu jiraan hanashada amniga Dakeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here