Maxkamd ku Taala Magaalada Hargeysa oo maanta Xukun ku riday wariyaal oo uu ku jiro Cabdi Maalik Muuse Coldoon

0
76

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa Xukun gaaraya hal sanno iyo Afar bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Mohamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.

Sidoo kale Wariye Cabdimaalik muuse coldoon ayaa maanta Maxkamadda Racfaan Hargeysa ku xukuntay laba sannood oo xadhig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.

Wariyeyaashaan ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa ka dib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa noqotay meelaha sida weyn loogu caburiyo saxaafadda Madaxa banana, waxaana wariyeyaashaan ay xirnaayeen ku dhawaad 40 cishso.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah wariyasha ka Hawlgala magaalada hargeysa ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunkii maanta lagu riday wariye Coldoon iyo wariyaal kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here