Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan jirin ciidan isku hor-fadhiya garoonka diyaaradaha Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Warar ka imaanaya magaalada boosaaso ayaa sheegaya Ciidamo ka tirsan PSF oo wata laba baabuur oo kuwa dagaalka ah ay gaareen halka lagu magacaabo MAASHA ALLAH oo ku taalla Afaafka laga galo garoonka diyaaradaha Booosaaso.
Saraakiisha PSF ee goobta tegay ayaa sheegay in ay hubinayaan geed ay horay u beereen balse laga jaray halkaas.
Ciidanka PSF ayaa markii danbe dib u laabtay kadib markii iyaga iyo kuwa PMPF isku fahmi waayeen arrintaas.