Wafdi ka Socda dawlada Federaalka oo shir uga qayb galaya dalka Switzerland

0
37

Wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fawziya Abiikar Nuur ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo maanta oo ay bisha May tahay 23 ka furmay magalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Shirka oo sanadkan halku dhig looga dhigay “ Nabaddu waa Caafimaad, Caafimaadkuna waa Nabad” ayaa wuxuu muddo dhawr maalmood ah ka socon doonaa magalada Geneva.

Wafdiga wasiirka wasaarada Caafimaadka ee Soomaaliyaay Hogaaminaeyso  ayaa waxay shirka kusoo bandhigi doonaan guulaha la taaban karo ee ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka hormarinta iyo dib u dhiska nidaamka Caafimaadka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here