Dhageyso: Aqoon yahan baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

WARARKA

Parfesor Xasan Sahal Xasan oo oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaaliyeed ee kunool gobolka Alberto ee Dalka Canada ayaa soo dhaweeyay Xil wareejintii shalay uu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xilka ku Wareejiyay Madaxweynaha dawlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud .

Parfesor Xasan Sahal Xasan ayaa sheegay in Maalin Taariikhi ah ay ahayd 23ka may may oo shalay ku beegneydMarkii  uu xilka iska wareejiyay  Madaxweyne Farmaajo Waxaana uu ugu baaqay madaxweynaha Xilka la wareegay Xasan Sheekh Maxamuud in uu saxo cabashooyinkii laga soo gudbiyay dawladii Maxamed  Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale ‘ Parfesor Xasan Sahal ayaa fariin u diray  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana kula dardaarmay in uu Wax ka qabto qdobo ay ka mid yihiin Amniga Dhameystirka dastuurka iyo Cadaladarrada dalka ka jirta intaas haddii uu sameeyo waa ay guuleysan doontaa dawlada Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri’ Parfesor Xasan Sahal Xasan

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Aqoonyahan Xasan Sahal Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.