Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo Magacaabay la taliyaha Amniga Qaranka

WARARKA

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabayXuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Lataliye Sare oo dhanka Amniga iyo Ladagaallanka Argagixisada ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, isagoona ka soo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.