Sarkaal sare oo ka Tirsan Maamulka Puntland oo gaashaanka ku dhuftay in Xiisado Colaadeed ay ka jiraan Puntland

0
109

Xilli maalintii shalay ay soo baxayeen warar sheegaya in xiisado dagaal ay kajirto deegaano katirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa arintaasi ka hadlay xubno katirsan masuuliyiinta maamulkaasi.

Taliyaha Ururka Dayax ee Ciidanka Daraawiishta Puntland G/sare Mubaarak Maxamed Warsame ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi ku saabsan in uu isaga uu hogaaminayay Ciidanka Dhaqdhaqaaqa ka sameeyay magaaladaasi.

Taliyaha oo ka hadlayay arintaas ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ciidan ah oo lagu amray in uu sameeyo islamarkaana uu ku sugan yahay Taliska Faladhyaale halkaas oo fariisin u ah Ururka Dayax ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Col. Mubaarak ayaa tilmaamay in aanu jirin amar ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku salaysan in la sameeyo dhaq dhaqaaq ciidan sidaas darteedna ay ku sugan yihiin saldhigyadii loogu tala-galay.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmay xilli saacadihii u danbeeyay la hadal haayay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda sare ee Puntland uu saamayn ku yeeshay Ururka Dayax ee Ciidanka Daraawiishta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here