Ergeyga DowladdaShiinaha ee Geeska Afriga ayaa ku baaqay taageero caalami ah lasiiyo Diwladda iyo Daka Soomaaliyeed si loo hagaajiyo ammaanka iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya, xilli dalka uu ka soobaxay Loolankii Doorashad iuo murankii la xiriirey dhinaca siyaasada.
Todobaadki hore ayaa si guul ah loo soo gabagabeeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo bog cusub loo furay dowladnimada Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed ayuu yiri, Ergiga Xukuumadda Bejiin.
Shiinuhu waxa uu ku faraxsanyahay in la dhiso dawlad cusub oo Soomaaliyeed, waxana ay si dhab ah u rajaynaysaa in Soomaaliya ay fursaddan u rogi karto dardar-gelinta dawlad-dhisidda iyo in waqti hore la gaadho xasillooni iyo ammaanka mustaqbalka fog , ayuu yidhi Dai Bing, ku-xigeenka wakiilka joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay.
Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ayaa weli waxaa horyaala caqabado aad u daran. Furaha ku wareejinta mas’uuliyadda amniga ee Soomaaliya ayaa ah in la dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, lana dar dar galiyo dhisidda ciidamada iyo isku dhafka ciidamada, si hufanna loo horumariyo awooddopda amni, ayuu ka sheegay shirkii golaha ammaanka ee Soomaaliya.
Shiinaha ayaa ka taageera dowladda cusub ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) xoojinta isku xirka iyo isgaarsiinta inta lagu jiro xilliga kala guurka ee amniga.
Shiinuhu waxa uu ugu baaqayaa wadamada ugu waaweyn in ay sii wadaan bixinta taageero maaliyadeed oo waarta oo la saadaalin karo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo ATMIS si loo xaqiijiyo dhaqangelinta wax ku oolka ah ee barnaamijyada amniga khuseeya, ayuu yidhi Danjiruhu.
Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid welwel leh, Abaar aan hore loo arag ayaa halakeysay nolosha malaayiin qof, taasoo keentay in si gaar ah loo ilaaliyo cunnada. Qorshaha wax ka qabashada bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay ayaa ah mid si joogto ah loo maalgeliyo, taasoo caqabad ku ah gaarsiinta waxtarka leh ee hawlgallada bini’aadantinimo ee degdegga ah, ayuu yidhi.
“Shiinuhu wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inaysan dayacin arrimaha bini’aadantinimo iyo horumarinta Soomaaliya iyo agabka ku habboon ee deegaanka, ayna sii wadaan inay Soomaaliya ka caawiyaan wax ka qabashada khatarta macluusha, ayna fuliso mashaariic horumarineed oo dheeraad ah,” ayuu yiri Dai.
Shiinaha waxaa ka go’an in uu Soomaaliya ka caawiyo dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka bulshada iyadoo loo marayo iskaashi dhab ah. Dhawaan Shiinuhu waxa uu Soomaaliya soo gaadhsiiyay gargaar cusub oo dhinaca badbaadada iyo caafimaadka ah, waxaana uu sheegay in uu qorsheynayo in uu Soomaaliya siiyo qayb cusub oo gargaar cunto ah oo degdeg ah, ayuu yidhi ergaygu.