Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal qorsheeysan oo kana dhan ah Al-Shabaab ka Sameeyay degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay iyo degaano hoostago.
Ciidamada ayaa sigaar ah howlgallo lagu baarayo Guryaha iyo Gaadiidka kala duwan ka sameeyay degmada Buurhakabo iyo degaanka Ceelbashiir oo 10-km u jira degmadaas.
Saraakiil katirsan Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa sidoo kale sheegay in howlgallo gaar ah ay ka Sameeyeen dhulka howda ah ee ku teedsan degmada Buurhakabo.
Hawlgalka Ujeedkiisa ayaa ahaa sugida Amniga dalka sidaas waxaa yiri’ saraakiisha hogaamineysay Hawlgalka.