Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Dalka Tanzaniya kula kulmay Dhiggiisa Dalkaas

WARARKA

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulan kula qaatay magaalada Daarusalaam ee Caasimada dalka Tanzaniya wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee Arimaha difaaca.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diirran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.