Booliska Jubland oo Xabsi dhigay Nin lagu Eedeeyay in hadalo Anshax xumaha uu ku faafiyay bartiisa Tiktok

0
37

Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland ee Jubada Hoose  Hoose ayaa xabsiga Dhigay Nin Dhanlinyaro ah oo bartiisa TikTok ku faafiyay muuqaal uu iska duubay, isla markaana uu ku sheegay in Kismaayo uu ku noolyahay nin ay xaas u tahay gabadhiisa.

Ninkaan Anshax xumada ku kacay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa muuqaalkii uu iska duubay wuxuu ku sheegay in ninka guursaday gabdhiisa ay u joogaan carruur ay u dhashay, intaas kadibna waxaa bilowday baaritaanka arrintaas.

Booliska Jubbaland ayaa baaray Kiiskaan waxa ka, balse waxay saraakiishu sheegeen in aysan waxaba ka jirin, waxaana wiilkii beenta   sheegay laga soo qabtay magaalada Dhoobley, iyadoo diyaarad lagu geeyey Magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here