Degaano badan oo ka tirsan gobolada dalkaSoomaaliya oo Abaar ay ka jirto

WARARKA

Guddiga gurmadka abaaraha ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirta saameynta ka dhalatay abaaraha ku dhuftay dalka, taas oo loo gudbiyey ergeyga gaarka ah ee arimnaha bani’aadanimada Cabdixamaan Cabdishakuur.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in baarta ka jirta dalka ayaa saameyn daran ku yeelatay illaa 66 degmo oo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee ku yaalla dalka.

Warbixinta guddiga ee loo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdiashakuur Warsame ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dadka wajahaya biyo la’aanta iyo cunno yarida lagu qiyaasay in ay gaartay 6.9 Milyan, kuwaas oo haatan u baahan gurmad bani’aadanimo.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu muujiyey in laga cabsi qabo in bilaha soo socda ay gaarto qiyaasta illaa 8 Milyan oo u dhiganta 50% tirada guud dadka ku nool gudaha Soomaaliya.

Xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa sheegay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adda kale ee gargaarka ay shaaciyeen in 7.7 Milyan oo dadka ah ay sanadkan u baahan yihiin gargaar balse la caawinayo 5.5 Milyan oo ah kuwa nugul, sida lagu sheegay warbixinta.

Degaano badan oo ka Tirsan gobolada dalka ayaa waxaa ka jira Abaaro xooggan oo Saameeyay Dadka iyo duunyada

Leave a Reply

Your email address will not be published.