Dawlada Imaaraadka carabta ayaa Dawlada Federaalka dib ugu soo celisay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar taas oo imaaradka looga Xanibay bankiga Dhexe ee Soomaaliya ka dib markii hay’adaha Amniga garoonka diyaaradaha Aadan cadde ay qabteen diyaaradii siday lacagtaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.