Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho keentay 286,650 tallaalka Pfizer ee loogu talo galay xanuunka COVID-19.
Tallaalkan ayaa qayb ka ah ballanqaad ay dowladda Maraykanka kaga jawaabaysay dadaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo xanuunka COVID-19,sida ay hadalka u dhigeen.
Madaxweyne Biden,ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay dadaallada tallaalka caalamiga ah lagu gaarsiinayo Soomaaliya si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ayna uga qayb qaadan lahayeen soo afjarida masiibada Covid19.
Soo kale’ Dawlada Maraykanka waxa ay balan qaaday inay bixiyo 1.1 bilyan oo tallaalka COVID-19 ah Caalamka oo dhan ah.