Maraykanka ayaa Faah Faahiyay wada-hadal khadkaTelefoonka ku dhexmaray Xoghayaha Arrimaha dibidda Maraykanka, Antony Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.
Ned Price oo ah Afhayeenka Waaxda Arimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen arrimao badan ay ka mid yihiin’ dib u heshiisiinta Soomaaliya, dhismaha ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda qaran iyo hannaanka deyn-cafinta dalka.
“Waxa ay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya” ayuu yiri af-hayeenka.
Madaxweynaha Maraykanka Joe ayaa shaaciyay dhowaan Biden in Soomaaliya uu dib ugu soo celinaayo ciidamada Maraykanka,
Ned Price ‘ wuxuu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee Maraykanka ee dadaalka ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta argagixisada ah” ayuu sii raaciyay.