Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo amartay in la soo xiro saraakiil ku biiray Ahlusunna

0
47

Maxakamadda darajada 1ad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu soo qabanayo 26 askari oo isugu jira ciidamo ka tirsan hay’adda nabadsugidda ee NISA iyo booliska iyo tiro maleeshiyo ah.

Qoraal ay maxkamaddu soo saartay oo lagu xusay xubnahaas iyo darajadooda ayaa tixraacaya qoraal hore uga soo baxay xeer ilaalinta ciidamaada ee qaybta 21aad.

Sida qoraalka ku xusan waxaa xubnahaas lagu eedeeyey in ay dagaal ku qaadeen ciidanka qalabka sida iyo dhamaan maamulka Galmudug.

26ka askari ayaa la rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Ahlusunna wal jamaaca oo dhowr goor dagaal la galay ciidanka amniga ee maamul goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here