Abaar ka jirta Koofurta Soomaaliya

WARARKA

Abaar ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jiraan deegaannada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Gedo, Baay iyo Bakool.
Roob la’aan deegaannadaasi ka dhacday sanadihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dadka iyo duunyadaba ay si weyn u sameyso abaarta, waxaana taas ay uga sii dartay abaarta jirtay.
Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay sheegeen in Abaarta jirta ay si ba’an u sameeysay 66 degmo oo ka tirsan degmooyinka kala duwan ee Gobolada dalka Soomaaliya oo ay kunool yihiin qoysas farabadan.
Hase ‘ ahaatee’ Abaarta ayaa saameysay dadka iyo duunyada, waxaana ku xoola beelay boqolaal qof oo maalmihii u dambeeyay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Sidoo kale, Hay’adaha ee gargaarka dalka ayaa caddeeyay in 7.7-milyan dad ah sanadka 2022 u baahan yihiin gargaar bini-adanimo, balse la caawinayo 5.5-milyan oo ah kuwa nugul.

Leave a Reply

Your email address will not be published.